Ciidamada Doowlada oo faarujiyay deegaano Sh/hoose ka tirsan

Ciidamada Doowlada oo faarujiyay deegaano Sh/hoose ka tirsan

daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraaya Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan Ciidamada Dowladda Somaliya inay xalay isaga soo baxeen deegaanada Muuri, Cadow Dibile iyo Laanta Buuro, oo saddexduba hoos tagga Degmada Afgooye.

Ciidamadan oo ka tirsan Guutada Afaraad ee Ciidanka Xooga Dalka, ayaa waxay gaareen deegaanka Jazeera, oo ku yaala duleedka Degmada Wadajr ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Sare Axmed Aadan oo ah Taliyaha Guutada Afaraad, ayaa hogaaminaayay Ciidanka gaaray deegaanka Jazeera, iyagoona xalay ku hoyday deegaankaasi.

Somali soldier near El-Ma'anWararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in Ciidamadu aynaan haysan tasiilaad ku filan, xilli Ururka mayalka adag ee Al Shabaab uu kordhiyay weerarada uu ka wado Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya, wixii ka dambeeyay dhalashada bishan Ramadaan.

Tani waxay daba socotaa, iyadoo Ciidanka Militariga ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay si weyn uga caroodeen, wax mushaaraad ah oo aynaan ka helin Dowladda Somaliya, muddo lix bilood ah.

Jimcihii shalay, ayaa waxaa Gobolkaasi ka dhacay weerar culus oo Al Shabaab ay ku qaaday deegaanka Leego, waxayna ku qabsadeen Xeradii Ciidamada Amisom ku lahaayen deegaankaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada