Gudoomiye ku xigeenkii Deegaanka Leego Xasan Madayle oo la Gowracay

Gudoomiye ku xigeenkii Deegaanka Leego Xasan Madayle oo la Gowracay

daajis.com:- Website-yada afka Shabaabka ku hadasha ayaa daabacday in ciidnkii Al-shabaab ee weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Leego ay gowraceen Gudoomiye ku xigeenkii degaanka Leego.

Gudoomiye ku xigeenkan ayaa waxaa kale oo lala gowracay nin Turjubaan u ahaa Ciidamada Amisom oo ay Al-shabaab ka wateen daarta Barakaat oo ku taal degaanka Leego.


Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in ay soo xiganayaan Illo wareedyo xaqiijinaya in la gowracay Xasan Madayle gudoomiye ku xigeenka Leego kadib markii la waydiiyay su’aalo badan.

Al-shabaab ayaa ku eedeysay gudoomiyaha inuu dhibaateyn jiray shacabka degaankaasi.

Dagaalkii Al-shabaab ay ku qaadeen Deegaanka Leego ayaa waxaa lagu dilay tiro askar ah oo lagu qiyaasay ilaa 70 oo ka socday dalka Burundi oo ka tirsan ciidamada Amisom.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada