Ciidamo gaarka u tababaran oo xoojiyay sugida amaanka Muqdisho: Sawirro

Ciidamo gaarka u tababaran oo xoojiyay sugida amaanka Muqdisho: Sawirro

daajis.com:-Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii u danbeeyay ay kasoo wanaagsanaaneysay xaaladeeda amaan ayaa taasi lagu macneeyay ciidamada sirdoonka iyo kuwa Nabadsugida oo si xowli ah ugu howlgala magaalada, waxaana taasi barbar socda barnaamij ay hay’adda nabadsugida ka hirgelisay Muqdisho oo loogu magac daray “iska baro deriskaada”, kaasoo sahlaya in dadka deriska iyo kuwa xaafada degan ay si sahlan isaga war qabaan.

Shacabka Muqdisho oo si weyn ula shaqeeya ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa sidoo kale qeyb ka ah adkeynta amaanka caasimada Muqdisho.ciidamadaonkad-4

Waxaa intaas dheer in wadooyinka muhiimka ah ee aadka u mashquulsan ay ka howlgalaan ciidamo si gaar ah u tababaran oo wejida u xeran, kuwaasi oo gaadiidka joojinaya isla markaana weydiinaya aqoonsiga qofka gaariga wada uu leeyahay.


Anshaxa ciidamadaasi gaarka ee wadooyinka ka howlgala ayaa ah mid aad u wanaagsan, shacabkana kalsooni ku qaba, taasoo ay ku kasbadeen hab dhaqanka ay dadka ula dhaqmayaan.

Wey dhacdaa mararka qaar in kooxo si kaadmo ah magaalada ugu dhex toogta shaqsiyaad ah, hadana lama dhihi karo xaalada amaan ee magaalada wey liidataa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada