Muungaab “Is bedelka lagu sameeyay degmooyinka waxaa looga gudbayaa qaab beeleedkii lagu magacaabi jiray”

Muungaab “Is bedelka lagu sameeyay degmooyinka waxaa looga gudbayaa qaab beeleedkii lagu magacaabi jiray”

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay is bedelka lagu sameeyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka, isagoo xusay in ujeedada tahay in laga gudbo qaab beeleedka degmo kasta lagu magacaabi jiray.

Muungaab ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay in si siman muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu ka soo muuqdo.

“Is bedelkan la sameeyay waxaa looga gudbaa Guddoomiyeyaashii degmooyinka ee qaab beeleedkii lagu soo magacaabi jiray, Muqdisho waxaa rabnaa inay noqoto magaalo Soomaaliyeed oo qof kasta oo muwaadin Soomaliyeed uu xaq u leeyahay in uu ka soo muuqdo caasimadda”ayuu yiri Muungaab.

Mr Muungaab ayaa sheegay in is bedelkan uu tahay in dalka oo dhan laga tixgeliyo, haddii ay ahaan laheyd heer degmo iyo heer gobol, waxaana uu xusay in haatan ay socoto howsha Golaha deegaanka oo soo dooran doonta Duq magaalo.

“Caasimadda Soomaaliya mar haddey tahay Maamulkeeda iyo Taladeeda waxey ka wada go’daa oo xaq-siman ku leh ummadda Soomaaliyeed oo idil in Magaaladan Maamul keeda in la Soomaaliyeeyo, oo haddii ilaahey kuu roon yahay bulshaweynta Soomaliyeed sey u dhan tahay laga tixgaliyo maamulka heer degmo heer gobal, waana waxa aan hiigsaneyno”ayuu yiri” ayuu yiri Muungaab.


Waxaa uu ku baaqay in la soo dhoweeyo is bedelkan, isla markaana la aqbalo, lana muujiyo dowladnimo sida uu yiri.
Is bedelo ayaa dhowaan lagu sameeyay Maamulada degmooyinka, iyadoo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka loo kala bedelay, degmooyin horay Guddoomiyeyaasha lagu soo magacaabi jiray qaab beeleed.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya cabasho laga muujinayo mid ka mid ah Guddoomiyeyaasha xilka laga qaaday, waxaana war ka soo baxay Beelaha Banaadiriga ay ku tilmaameen habkii loo maray xil ka qaadistaan in aysan cadaalad aheyn, maadaama ruuxa la bedelay uu ka soo jeeday beelaha Banaadiriga, taasna aanay xaq aheyn, waxaana beeshu sanad ka hor ay heshay xaqoodii maqnaa muddo 25 sano, balse haatan ay u muuqato in mar kale la duudsiiyay.

Lama oga is bedeladan sida uu u saameyn doono Guddoomiyeyaasha kale ee dhiman, waxaana la rumeysan yahay inay tahay howl adag oo ka gudbisteeda ay qodxo badan ku hor-gudban yihiin, iyadoo inta badan magacaabista degmo walba oo ka tirsan Gobolka Banaadir lagu saleyn jiray habka beelaha, haddii dhaqankaas looga gudbo si caadaalad oo aan aheyn nin jecleysi iyo qabiil, waxay noqon doontaa tallaabo horay loo qaaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada