daajis.com:- Iyadoo Ciidamada Militeriga Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay maalinimadii shalay faarujiyeen deegaanka Toora-toorow oo ka tirsan Sh/hoose, ayaa waxaa sababta ay uga baxeen ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Max’ed Nuur ”Siidii”.
Siidii ayaa sheegay in bixitaanka Ciidamadu ay ka dambeeyen Saraakiisha Ciidamada Militeriga, waxa uuna tilmaamay in Caqabada ugu weyn ee fashilka Ciidamadu heysto ay tahay mid ay ka dambeeyaan Saraakiisha.
Waxa uu sidoo kale, sheegay in Saraakiisha horkaceysay Ciidamada ka baxay Toora-torow ay meesha ka waayen maslaxadooda, sidaa awgeedna ay Deegaanka ka saaren Ciidamada si dagaalka looga dhigo mashruuc aan dhamaan.
Waxa uu Siidii beeniyay wararka ku aadan in Ciidamada Militeriga ay Toora-torow uga baxeen duruufo la xiriira Mushaar la’aan soo wajahay Ciidamada iyo saraakiishooda.
Deegaanka Toora-torow ayaa waxaa in mudo ah maamulayay Maleeshiyaadka Al-shabaab, laakiin mar danbe waxaa kala wareegay ciidamada Dowlad iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.
Dhanka kale, arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa xili Deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ay wali ku sugan tahay kooxda Al-shabaab,kuwaasi oo marar qaar weeraro ku qaada Fariisimaha ciidamada Dowlada iyo AMISOM ku leeyihiin gobolkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at