Daawo:- 17 Arday oo ka qalin jabiyay Cuno Karinta iyo qurxinta dumarka oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Magaalada Gaalkacyo

Daawo:- 17 Arday oo ka qalin jabiyay Cuno Karinta iyo qurxinta dumarka oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Magaalada Gaalkacyo

daajis.com:- Xafladan ayaa ka dhacday Xarunta Machadka Umu Salama oo ah Xarunta barbaarinta, Diiniga, Qurxinta iyo cuno karinta waxaana ka qeybgalay kormeeraha wasaarada waxbrashada Gobolka Mudug,Maamulaha Jaamacada Bariga africa Faraceeda Magaalada Galkacyo Aqoonyahano iyo Ganacsato.

Ardaydaan oo gaareysa 17 ayaa ka qalinjabisay barashada Cunto Karinta iyo qurxinta Dumarka oo ay baranayeen  labo bilood iyo bar waxaana la gudoonsiyaya shahaadooyin Ardayda kaalmaha u sareya gashay.

Sidoo kale ayaa shahaado sharaf waxaa lagu gudoonsiyay Munaasabadan Macalimad Hani Cismaan Yusuf oo Juhdi badan galisay Ardaydan iyadoona lagu amaanay iney tahay qofkii ugu horeeyay ee ka bilowday Gobolka xirfadan.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay buug loogu magacdaray kor u qaad cunto karntaada oo ay qortay Macalimad Hani Cismaan Yusuf oo ay ku heshay bilad sharaf ay gudoonsiyay Maamulaha Jaamacada Caasho Xaashi Xanaf buugaasi oo ay qoridiisa ku qaadatay labo bilood.

Maamulaha Jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Galkacyo Aadan Maxamed Cigaal ayaa sheegay in looga baahanyahay ardayda Aqirin iyo qorid badan kuna amaanay Macalimad Hani Buuga ay soo bandhigtay.

Kormeeraha wasaarada waxbarashada gobolka Mudug Maxamed Jamaac ayaa sheegay inuu aad ugu Faraxsanyahay inuuka soo qeybgalo Xafladan oo sida uu sheegay aheyd mid aad u qiimo badan.

”Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala qeybgalo xafladan wax yaabaha aan ku farxay waxaa kamida qurxinta dumar oo aan aheyn mid wax yeeleysay gabdhaha oo aysan ku jirin kiimiko lagana sameeyay dhirta” Ayuu yiri Kormeeraha.

Machadka Umu Salama ayaa dadaal badan ugu jira inuu Gabdhaha baro Xirfado ay ku shaqeystaan si ay u meereeyaan marxadalaha u gaarka ah noloshooda.
Daawo Sawiradda.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada