Buundada Pont des Arts, oo iyadu ah mid can ka ah dalkaasi ayaa waxaa gabi ahaan darbiyadeeda buux dhaafiyay qufulo gaaraya hal milyan, culeyskooduna lagu qiyaasay ku dhawaad 50 tan.
Buundadaani ayaa waxaa sanadkiiba booqda Kumanaan Lamaanayaal si ay u xusuustaan Jacaylkooda, isla markaana ay qufulo xusuus ah u dhigeen Buundada.
Maamulka caasimada Paris ayaa sheegaya in muuqalka qufulada tirada badan uu yahay mid fool xun, isla markaana khatar ah, waxaana xusid mudan inay baqdin ka muujiyeen in buundadaasi ay dunto sababo la xiriira culeyska qufulada.
Saraakiisha magaalladda Paris ayaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta ee so osocoto bilaabaan sidii ay Buundada uga sifeyn lahaayeen ku-dhawaad hal million oo Qufulka Jacaylka “The Love Locks”.
Mid kamid ah Saraakiisha magaalladda Paris, ayaa sheegay inay doonayaan inay Paris sii ahaato Caasimaddii Jacaylka iyo Xiriirka Jacaylka”.
Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa niyad jab ku noqon doonta dalxiisayaasha, balse shacabka ku nool Paris ayaa ku farxi doona in ay dib usoo ceshadaan buundadooda. Sawirka hoose Riix si aad u daawatid
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at