daajis.com:- Sawirro laga soo qaaday beerta lagu xanaaneeyo xeywaanada dad cunka ah ee dalka Koonfur Africa, ayaa waxa ay muujinayaan in Libaaxyo ku dhaqan beerta ay cuneen Haweeney dalxiis ah.
Haweeneyda ay cuneen ayaa la sheegayaa inay isku dayday inay ka qaado sawiro dhaxal gal u ah hayeeshee uu sidaa ugu dhagay kuna cunay qeyb kamid ah jirkeeda.
Haweeneydaasi oo ay la socdeen haween kale ayaa marka ay qaaten Sawirada, waxaa u imaaday dhowr libaaxyo oo mid ka mid ah libaaxyadaasi si cajiib ah u furay daaqadda gaariga oo aan qufulnayn, kadibna waxaa u suuro gashay inuu weeraro dadkii ku jiray gaariga, haweenayda ayaa ugu dambayn u dhimatay waxyeelo ba’an oo libaaxu gaarsiiyay.
Masuuliyiinta xeradaasi xanaanada ayaa sheegay in ay haweenaydaasi baal martay digniino iyo awaamiir xeerada lagu maamulo, isla markaana ay furnayd daaqadda gaarigeedu, taasi oo u sahashay mid ka mid ah libaaxyadu inuu si fudud u furo isla markaana uu dilo haweenaydaasi oo u dhalatay wadanka Maraykanka.
Dalxiise kale oo u dhashay wadanka Australia, gaariga la saarnaa haweenaydaasi ayaa dhaawacyo xun ay soo gaareen kadib markii uu libaaxu bawdada qabtay isagoo isku dayay inuu ka rido haweenayda uu libaaxu dilay.
Boqolaal qof oo dalxiiseyaal ah ayaa sanadkasta booqda xeryaha xayawaanka ee ku yaala wadamada Kenya iyo Koonfur Afrika oo dhaqaale badani kasoo galo, hase ahaatee mararka qaarkood dalxiiseyaasha waxaa dhibaato u gaysta xayawaanka ay u daawashada tageen ee xeryahaasi ku jira.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at