daajis.com:- Muddo 25 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta qaadeysaa Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, iyadoo boqolaal arday ay maanta goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ay u fariisteen Imtixaankaasi.
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in imtixaan mideysan oo dalka oo dhan laga qaado, si ay ardayda u helaan shahaadooyin mid ah oo ay aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada.
Goobaha imtixaanka lagu qaadayo ayaa waxaa ammaanka si weyn u adkeeyay ciidamada Booliska, kuwa Nabadsugida iyo Amisom oo meel walba la dhigay kuwaasoo wadooyinka xiray, waxaana ardayda galeysa imtixaanka ay wataan kaarar aqoonsi ah.
Goobaha Imtixaanaadkan laga qaadayo ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Jaamacadda Ummadda ee degmada Xamar weyne iyo Buulo Tikniko, halkaas ayay Ardayda Imtixaanaadka ku galaan.
Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir) oo ay wehliyaan Wasiirada Waxbarashada Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Cayir Maareeye, Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka qeyb galay daah furka Imtixaanka oo lagu qabtay Dugsigii 15 May, halkaasoo ka mid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanaadka.
Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa munaasabadda daah furka Imtixaanaadka ay dowladdu qaadeyso Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo iyana kormeerayay habka loo sugayo ammaanka.
Fasalada ay Ardayda ku jiraan ee looga qaadayo Imtixaanka ayaa waxaa waardiye ama ilaalinaya Ciidamo Boolis ah, sida lagu xusuusto xilligii dowladdii dhexe marka Imtixaanaad la qaadayo inay ilaalin jireen Ciidamo.
Jadwalka Imtixaanaadkan iyo maalmaha uu soconayo ayaa loo gudbiyay Ardayda, waxaana Imtixaanka oo qorshuhu ahaa in Sabtidii uu bilowdo, balse arrimo farsamo awgeed dib ugu dhaco, waxaana ay ku qorsheysan tahay in ilaa shan maalmood uu socdo.
Dhinaca kale magaalooyinka Baydhabo iyo Galkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka laga qaadayo Imtixaanaadka shahaadiga ee Dugsiga sare, waxaana tani ay noqoneysaa muddo 24 sano kaddib in arday Soomaaliyeed ay u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:30 and have
, Published at