Dowladda Sudan oo sheegtay in Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad ah ugu laabanayo Khartoum

Dowladda Sudan oo sheegtay in Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad ah ugu laabanayo Khartoum

daajis.com:- Dowladda Sudan ayaa sheegtay inay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir uu si nabad ah magaalada Khartoum dib ugu soo laaban doono, iyadoo Maxkamad ku taal Koofur Afrika ay soo saartay amar ku aadan in aanu dalka ka bixi karin.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika, kaasoo la filayo in maanta la soo gaba gabeeyo.

Afhayeen u hadlay dowladda Sudan ayaa sheegtay in Al-Bashiir uu dib ugu laabanayo Khartoum waqtigii loogu tala galay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in maanta la dhageysanayo dacwada ku aadan in Madaxweyne Al-Bashiir loo dhiibi karo Maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC.

Sidoo kale waxaa ay Maxkamadda ayaa kordhisay mudada ay ku amartay in Madaxweynaha Sudan aanu dalka ka bixi karin, hase ahaatee waxaa taagan dood ku aadan sida Koofur Afrika awood ugu yeelan karto inuu xirto.

Madaxweynaha Sudan ayaa heysta xasaanad inta uu ku sugan yahay Koofur Afrika, waxaa la arkayay, isagoo dhoola cadeynayay, kadib shirkii shalay furmay ee Madaxda Midowga Afrika, waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Koofur Afrika iyo mas’uuliyiin kale.

Inkastoo Koofur Afrika ka mid tahay Maxkamadda ICC, hadana waxaa ay afhayeen u hadlay dowladda uu ku doodayaa in Al-Bashiir uu casuumaad ka heysto Midowga Afrika, oo aanay casuumin dowladda Koofur Afrika.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada