daajis.com:- (Cadceed)-Ugu yaraan 16 ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa lagu dilay weerarkii hubeysnaa ee Ururka Al Shabaab, ay xalay ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegay in askartaasi badan lagu laayay weerarkii kediska ahaa, ee xalay Shabaabku ku galeen Degmadaasi Afgooye.
Gudoomiyaha, ayaa ku waramaaya weerarkaasi in khasaaro xoogan loogu gaystay Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay halkaasi ka daad gureysteen meydadka in ka badan 30 nin, sida uu yiri.
C/qaadir Maxamed Nuur oo la hadlay BBC, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inuu hadafkoodu yahay daadinta dhiigga ummada Somaliyeed, iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Walaac xoogani, ayaa laga qabaa weeraro uu dhiig badani ku daato in mintidiinta, ay ka gaystaan dhulka ay gacanta ku hayso Dowladda Federalka Somaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:46 and have
, Published at