daajis.com:- Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtey sawirrada 36 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab kuwaasoo la sheegey in la raadinayo.
Hadal kasoo baxey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagaga codsadey shacabka iney soo gudbiyaan xogta ku saabsan kooxdaan la sheegey iney baxsanayaan iyadoo ay ku jiraan xubnood oo dhaawac ah.
Warbixntaan ayaa sheegeysa in kooxda la raadinayo ka qayb qaateen weerarkii dhowaan lagu qaadey xero ciidamada Kenya ku leeyihiin agagaarka degaanka Lamu.
Sodon sideedaan xubnood oo ka tirsan ciidamo lagu magacaabo Jeysh Ayman kuwasoo ururka Al-shabaab ku jiheeyey la dagaalanka ciidamada Kenya ayaa xogtooda khaaska ah lasoo wada bandhigin.
argagixisoBooliska Kenya ayaa sidoo kale soo bandhigey magacyada shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda ururka Al-shabaab ee weerarka ku qaadey xero ciidamada Kenya (KDF) ku leeyihiin Lamu kuwasoo kala ah Ahmed Mueller, Ramadhan Kioko loo yaqaano Abu Nuseiba loo yaqaano Pinji, Thomas Evans Anthony loo yaqaano Musa Uk, Lukman Osman Issa oo loo yaqaano Shirwa iyo Said Hemed Abdalla.
Labo ka tirsan kooxdaan, Lukman Osma Issa iyo Said Hemed, oo weerarka ku soo qaadey xeradaan ayaa ciidamada KDF dileen. Xubnahaan ka tirsan ururka Al-shabaab kuwasoo magacyadooda la soo bandhigey ayaa waxaa kamid ah Ahmed Mueller (43jir) oo dhalashadiisu tahay wadanka Jarmalka.
Ahmed Mueller oo k tirsan ururka Al-qacida ayaa xogtaan sheegaysaa inuu dhaawac yahay uuna waqtigaan ku dhuumaaleysanayo gudaha wadanka Kenya. Mueller oo wadanka Somalia tagey dabaayaqadii sanadka 2011 isagoo 2012 mar isu diyaariyey qarax Ismiidaamin ah balse aan hirgalin ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsanaan jirey saxiibada Axmad Godane.
Ninka labaad ee warbixntiisa la soo bandhigey ayaa ah Ramadhan Kioko oo loo yaqaan Abu Nuseiba ayaa ururka Al-shabaab kamid noqdey 2008 isagoo ka tagey magaalada Nairobi xaafada Majengo. Kioko ayaa 2012 wiilkiisa oo Toban jir ah kexeystey isaga oo dalka Somalia ku guursadey xaas magaceeda la yiraahdo Xaawo.
Kioko ayaa warbixntaan sheegeysaa inta uusan ka tagin magaalada Nairobi inuu caan ku ahaa xadista jeebabka dadka isaga oo ku kasbadey magaca la yiraahdo “Pinji” kaasoo markii dambe iska badaley.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at