Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka

daajis.com:Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, ayaa go’aan ka gaari doona Darbiga ay dowladda Keny sheegtay in ay ka dhisi doonto Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah hab-dhowraha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ,ayaa sheegay in kulanka barlamaanka Soomaaliya ay isugu imaanayaan maanta looga hadli doono Arrimaha Darbiga Kenya ay doonayso inay ka dhisto Xadka ay Soomaaliya la wadaagto iyoTayeenta lacagta shilin Soomaaliga ah oo barlamaanka ay ka hadli doonaan.


“Xildhibaannadu aad ayey uga xumaadeen Arrinta darbiga Kenya ay dhisayso taas oo sababtay in muushin laga keeno arrintaan saacadaha soo aadan ayaa go’ aan cad laga qaadan doonaa dhismaha Darbigaas Kenya ay doonayso inay ka dhisto Xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto, Sidoo kale barlamaanka ayaa ka hadli doona Tayeenta lacagta shilinga Soomaaliga ah ugu dambayn waxa ay barlamaanka yeelan doonaan inta kulanka uu socdo dood furan” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar habdhowraha Barlamaanka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada