C/risaaq: “Waan kormeeri doonaa ciidamada Habeenkii suga amaanka Muq.”

C/risaaq: “Waan kormeeri doonaa ciidamada Habeenkii suga amaanka Muq.”

daajis.com:- C/risaaq Maxamed Cumar, Wasiirka Amniga Somaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay u istaageen xoojinta ammaanka Caasimadda Somaliya.

Wasiirka wuxuu tibaaxay in habeen u dhaaf ay u kormeeri doonaan Ciidamada Dowladda qaabka, ay u suggayaan ammaanka Magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo amniga.

Wasiirka, ayaa sheegay in habeenimadii Jimcaha ay kormeereen dhammaan goobaha Ciidamada Dowladdu ka jooggaan Magaalada Muqdisho, ayna u taggeen ciidan heegan ugu jira xaqiijinta ammaanka.

The task of maintaining security in the city has largely fallen to the Somali National Police (SNP), who receive support from AMISOM police.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay soo arkayn shacab diyaar u ah inay ka qayb qaadaan suggida ammaanka, lagana hortaggo nabadiidka ka soo horjeeda nabadgelyada Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

Mudada lagu guda jira bishaan Ramadaan, ayuu cadeeyay inay sii wadi doonaan kormeerka ay ku soo kala bixinayan qaybaha kala gedisan, ee Ciidamada ammaanka ka jooggaan Caasimadda.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo Dowladda Somaliya ay dareen ka muujinayso weeraro, ay Al Shabaab ka gaysato Magaalada Muqdisho, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada