Warbixin: Dhaqaalaha Soomaaliya oo kordhay

Warbixin: Dhaqaalaha Soomaaliya oo kordhay

daajis.com:- Kororka dhaqaale ee Somalia waxa laga yaabaa inuu ka yar yahay dalalka kale ee gobolka, hase yeeshee, dawladda Somalia waxa dhiiri galinaya arrinta ah in kulankii sanadlaha ahaa ee Hay’adda IMF ee Somalia ku saabsanaa uu qabsoomay, hay’adduna ay sheegtay in talaabo horay loo qaaday,
iyada oo xitaa xubnhii kulanka ka qeyb galayey ay Nairobi ku shireen.

Hay’adda ayaa kulanka dhacay bishan June 8-18keedii ka dib sheegtay in kororka dhaqaale lagu qiyaasay 3. 7°/° sanadkii 2014, kororkaas oo ka dhashay dhinaca beeraha, dhismaha iyo is-gaarsiinta.

Hay’adda IMF waxay intaas ku dartay in, iyada 00 uujiro horumar yar oo dhinaca anutiga ah iyo abaaro aan dhicin in xiligga dhexe kororka dhaqaale ee sanadlaha ahi uu noqonayo 5%. Sidaas oo ay tahay kororkan dhaqaale kuma fillaanayo in uu wax ka taro saboolnimadiij irtay iyo kala duwanaanshaha u dhexeeya labka iyo dhedigga.


Warbixintan ay Rueters qortay ayaa lagu sheegay in 2014 sicir bararku uu gaaray 1. 3%. Waxa kale oo la saadaalinayaa in kororka dhaqaale ee dhabta ah ee sanadkan 2015ka UU noqdo 2. 7°/°, iyada oo sicir bararkuna uu sii ahaan doono ilaa 4°/°.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hay’adda IMF ay xustay in dawladda Somalia ay wali ku sii tiirsanaan doonto kaalmada dibadda, iyada oo hay’addu ay ku baaqday in la kobciyo hay’adaha maaliyada, isla markaana la wanaajiyo waxyaabaha dhakhliga kordhinaya.

Warbixinta wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in dib U dhiska ay ka mid tahay in la sameeyo hanaan federal ah oo lagu dhaqo dal ay waxyeeleeyeen dagaalo sokeeye iyo kuwo falaago lslaami ah lala galay.

Hay’adda IMF ayaa laga soo xigtay in Somalia ay u baahan tahay in heshiis ay ka gaarto hanaan maaliyadeed 00 federal ah, kaas 00 ay ku jiraan bixinta adeegyada, dakhliga 00 la soo ururiyo iyo in dakhligaas la wadaago. ”

Shirka haya’adda IMF waxaa qeyb ka ahaa kulamo lala yeesheay wasiirka maaliyadda Somalia Maxamed Aden Ibrahim, Wasiir ku xigeenka Qorsheynta Abdullahi Sheekh Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise Cali.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada