daajis.com:- Wakaaladaha caalamka ayaa aad u baahinaaya Howlgalo adag oo ka socda New York, kaasi oo lagu baadi goobaayo Laba maxaabiis oo ka baxsatay Xabsi ku yaalla New York.
Inkabadan 1,500 Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa waxa ay New York ka baadi goobayaan Richard Matt iyo David Sweat oo horay loogu xakumay Xabsi da’in balse si xeeladeysan uga baxsaday Xabsiga.
Ciidamada ayaa la sheegayaa inay si gaar ah u tababaran yihiin ujeedkooduna yahay Howlgalo guri guri ah oo ay ku baarayaan labadaasi ruux.
Baxsashada Richard Matt iyo David Sweat ayaa waxaa ka dambeysay gabar ka shaqeyneysay Xabsiga oo mid kamid ah maxaabiistaasi baxsatay uu la jilay Jaceyl sababay dhuumashada labadaasi Maxbuus.
Richard Matt iyo David Sweat ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan Keymaha loo dalxiis tago ee dalkaasi waxaana 70% loo badinayaa inay marba ku dhuuntaan goobaha aan degnaanshuhu u badneyn.
Gabadha fududeysay Baxsashada Richard Matt iyo David Sweat, ayaa iyana la sheegayaa inay ku socdaan Baaritaano laga cabsi qabo inay ku muteysato Xabsi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at