daajis.com:- Maamulka Jaamacada Soomaaliya (UNISO) ayaa waxa uu xaflad balaaran oo uu ugu tala galay soo dhaweynta ardayda dugsiyada sare kasoo qalin jebisay ku qabtay Isniintii Xarunta Ismaan Geedi Raage ee degmda Howl-wadaag ee gobalka Banaadir.
Munaasabada oo ay kasoo qeyb galeen 1,500 oo arday oo kakala yimid Iskuulaadka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Prof. Xuseen Ismaan Axmed oo ah gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada ahna madaxa maamulka iyo maaliyada kaas oo ugu hanbalyeeyay ardada guusha ay gaareen maadaama ay soo qalin jebiyeen isaga oo intaa kadib soo jeediyay cashar la xariira sida arday uu jaamacad ku dooran karo marka uu kasoo qalin jebiyo dugsiga sare.
Intii ay munaasabada socotay waxaa bandhig aqooneed sameeyay qaar kamid ah ardada Jaamacada dhigata, waxaana kamid ahaa waxyaabaha lasoo bandhigay Facebook uu sameeyay arday dhigta Jaamacada isaga oo sheegay in sameytiisa cidna uusan ka kaashan hasa yeeshee ay u sahashay uun aqoonta uu jaamacad ka helay intii uu dhiganayay.
Xaflada ayaa waxaa sidoo kale erayadii ku haboonaa kasoo jeediyay gudoomiye ku-xigeenka midawga ardada Jaamacada Soomaaliya kaas oo madasha ka cadeeyay in sanada kahor Jaamacada lagu soo dhaweeyay sidaan oo kale hadana uu yahay nin howl badan ka hadaya sidaa darteed cid waliba oo jaamacada qoyskeeda kamid noqota ay heli karto fursad sidaas oo kale ah.
Qaar kamid ah ardadii soo dhaweynta loo sameynayay oo goobta ka hadlay ayaa waxa ay iyana ka mahadceliyeen soo dhaweynta iyaga oo balan qaaday in ay kamid noqon doonaan ardayda Jaamacada Soomaaliya dhigata maadaama ay ku qanceen cilmiga yaalla Jaamacada.
Gudoomiye ku-xigeenka UNISO ahna madaxa waxbarashada, Prof Maxamed Nuur Warsame, iyo masuuka u qabishan gudiga sare ee Jaamacada dhanka wax-barashada ayaa si wadajir ah usoo xiray iyaga oo ardada ugu hanbalyeeyay guushii ay ka gaareen dugsigii sare maadaama ay dadaal badan soo bixiyeen waxa ayna u balan qaadeen in Jaamacada Soomaaliya ay si diiran u soo dhaweyn doonto.
Jaamacada Soomaaliya oo ay dhigato in ka badan 7,500 oo ayday ayna ka qalin jebinayaan sanadkaan ku dhawaad 1,000 arday ayaa maalma kahor waxa ay soo dhaweeyn nuucaan oo kale ah u sameysay arday iyana kasoo qalin jebiyay dugsidaya sare.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at