Daawo Sawirada Maleeshiyaad Shiico ah oo nolosha ku gubtay Dagaal yahan katirsanaa Xoogaga Daacish

Daawo Sawirada Maleeshiyaad Shiico ah oo nolosha ku gubtay Dagaal yahan katirsanaa Xoogaga Daacish

daajis.com:- Muuqaal ay soo bandhigeen Dagaalyahano Shiico ah oo ka dagaalama Dalka Ciraaq ayaa muujinaya Dagaalyahan Sunni ah kana tirsanaa Kooxda Daacish oo nolosha lagu gubayo kadib markii ay qabteen Xoogag Shiico ah.

Dagaalyahan Daacish katirsan ee nolosha lagu gubay ayaa ahaa nin dhalinyaro ah, waxaana laga xiray gacmaha iyo lugaha iyadoona dab lagu shiday, waxaana Muuqaalka ka muuqday Dagaalyahan Shiico ah oo agtaagan ninkan nolosha lagu gubayo.

Kooxda Daacish ayaa kol hore nolosha ku gubtay Duuliye u dhashay Dalka Jordan kadib markii ay soo dhacday diyaarad uu waday Duuliyahaasi oo ka qeyb qaadanaysay Duqeymaha lagu waday deegaanada ay Daacish ka taliso ee Dalka Siiriya.

Warbaahinta Caalamka ayaa horey u baahiyay Muuqaalo badan ay soo bandhigeen Kooxda Daacish oo muujinayay Dagaalyahano Shiico ah oo Kooxda Daacish ay si xun u dilayaan, waxaana Muuqaalkan ay soo bandhigeen Maleeshiyadaka Shiicada ah .



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada