Sepp Blatter oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxtinimada FIFA

Sepp Blatter oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxtinimada FIFA

daajis.com:- Sepp Blatter oo dhowaan dib loogu doortay markii shanaad Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu is casilay.

Mr Blatter ayaa jimcihii dib loogu doortay xilkan, waxaana is casilaadiisa ay timid markii fadeexadooyin musuq maasuq ay hareysay xiriirka kubadda cagta Aduunka ee FIFA.

Is casilaadiisa ayuu kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Zurich, iyadoo ay ku soo aaday markii FBI mareykanka ay weerareen Hotelo ku yaalla Zurich, dabadeedna ay xirtay saraakiil ka tirsan FIFA.

Sepp Blatter ayaa muddo 17 sano ahaa Madaxweynaha FIFA, waxaana dhowr jeer hore soo baxayay baaq ka imaanayay Madaxda xiriirada K/cagta ay ugu baaqayeen inuu is casilo.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada