WAREYSI: Madaxweynaha Jabuuti oo arrimo badan ka hadlay

WAREYSI: Madaxweynaha Jabuuti oo arrimo badan ka hadlay

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuurayada Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bixiyay waraysi u muuqday inuu kaga hadlay waxbadan oo usan horay u sheegeen,waxuuna ku sheegay dowladiisa inaysan oggalan doonin Ikhwaanul-muslimiin.

Arrimaha kale ee u kaga hadlay waraysigaan oo u siiyay jariirad laga leeyahay dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Alxayaat,waxaa ka mid ah inaysan soo dhaweyn san doonin xukuumadda Iiraan,waxuuna ku sheegay ururada Xizbullaah iyo Xuuthiyiintana kuwo Fitno-wadayaal.

Geelle waxaa kalo uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalalka Carabta,waxuuna arrimahan oo dhan ka hadlay isagoo jooga magaalada Paaris ee caasimada dalka Faransiiska.

Kocdoonka Carabta

Madaxweynaha Jabuuti oo u dalkiisa xubin ka yahay urur weynaha jaamacadda Carab ayaa sheegay waxa ka dhacaya dalal badan oo Carbeed inay yihiin wax an la eegi karin,waxuuna si adag u cambaareeyay kacdoonadii sanadihii ugu dambeeyay ka socday dunida Carabta ee loogu magacdaray “Guga Carbeed” waxuuna ku tilmaamay dib u dhac ku habsaday dunida carabta.

“Waxa kaliya ee an oggahay ayaa ah haddii aysan jiri lahayn isbarbartaaga dowladda Sacuudiga isbarbartaagtay shucuubta Carbeed, waxaa burburi lahaa dowlada badan oo Carbeed,”ayuu yiri madaxweyne Geelle oo marka ammaanay xukuumadda Riyad.

Ururka Ikhwaanka

Madaxweyne Geele oo soo hadal qaaday ururka Ikhwaanul-muslimiin, ayaa sheegay in marka laga soo tago dalka Masar, in ururka Ikhwaanka xafiiskii ugu horeeyay ka furteen dalka Jabuuti, sanadkii 1930-kii.

Geele waxuu sheegay in inbadan dowladaha Khaliijka uu weydiistay caawimaad ku wajahan sidii looga hortagi lahaa Ururka Ikhwaanka iyo ururada la midka ah, waxuuna sheegay in boqorkii hore ee Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdil Casiis uu hormuud u noqday fulinta codsiga Jabuuti, islamarkaana uu qaaday olole Jabuuti loogu qoondeeyay aduun dhan 200 oo malyuun oo doolarka Mareeykanka ah, si loogula dagaallamo Ururka Ikhwaanka iyo Ururada la midka ah.

(Mr Geele ma magac dhabin kuwa ay yihiin Ururadan uu sheegay in ay lamidka yihiin Ikhwaanka.)

Dowladda Iiran, Xizbullaah iyo Xuuthiyiinta:

Madaxweyne Geela ayaa faragelinta ururadan ee dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen ku tilmaamay Fitno aad u weyn, waxuuna ururadan ku sifeeyay “Askar Iiraan soo dirsatay”.

Madaxweyen Geele aya calaaqaadka Iraan iyo dalkiisa ku tilmaamay mid aad u xun.


“Waxaan iska ilaalinaa shartooda. Geele ayaa sheegay in ujeeda Iiraan tahay, siday u qabsan lahayd marinka lagu magacaabo “Baabul-Mandab” iyada oo adeegsaneysa maleeshiyada Xuthiyiinta dalka Yaman.

Geelle oo ammaanay hoggaamiya Masar

Madaxweynaha waddanka Jabuuti ayaa ammaan ugu qubeeyay madaxweynaha dalka Masar,Cabdi Fataax Al-Siisii oo uu sheegay in uu soo celiyay waxuu ugu yeeray “Muhiimadii dalka Masar ku lahaa qaaradda Afrika”, taasoo uu sheegay inay xoojisay calaaqaadka Masaarida iyo dalkiisa.

Ugu dambeyn,hoggaamiya dalka yar ee Afrika ayaa sheegay waddankiisu inuu xilligan ku naalonayo horumar iyo degenaan,isagoona inta raaciyay inuu ku dadaallayo taageerida dalalka ay xilligan dhibaatooyinka ka jiraan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada