Daawo sawirada:- laga soo qaaday Garoonka Aadan Cadde oo laga hirgaliyay duulimaadyada Habeenkii

Daawo sawirada:- laga soo qaaday Garoonka Aadan Cadde oo laga hirgaliyay duulimaadyada Habeenkii

daajis.com:- Garoonka Diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde, ayaa bilaabay duulimaadyada Habeenkii ee u kala gooshaayo qaaradaha Africa iyo Asia.

Duulimaadkii ugu horeeyay ayaa Habeenimadii xalay laga hirgaliyay Garoonka Aadan Cadde kuwaasi oo kala gaaray Nairobi iyo dalka isutaga imaaraadka Carabta.

Shaqaalaha Garoonka ayaa loo kala qeybiyay laba Shifti oo howsha kala galaayo maalin iyo habeen, waxaana sidoo kale la kordhiyay Ciidamada Amaanka ee ka howlgala Garoonka, kuwaasi oo la arkaayay iyaga oo dadka duulimaadyada ku adkeynaayay dhoofka iyo baaritaanka dukumiintiyada dhoofayaasha.

Dadaalkaani ayaa waxaa sidiiran usoo dhaweeyay Dhoofayaasha inta badan ka yimaada dalalka Maraykanka, Canada iyo Europe oo iyagu ku dhiiranaayo in garoonka ay ka ambabaxaan xili waliba oo ay damcaan.




Waa markii ugu horeysay muddo 25 sanadood kadib uu dib u howlgalo garoonka Aadan Cadde xiliyada habeenkii tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Somalia.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada