daajis.com:- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka dhacday arrin aad u naxdin badan, kadib markii 7 eey oo aad u tababaran ay weerareen Maxamed Yuusuf Cabdullaahi, si xunna u feenteen xili uu ku sugnaa xarun uu ka shaqeynayay oo ku taal xaafada Babadogo.
Maxamed ayaa markiiba u dhintay weerarka eeyahaasi xili habeen ah iyadoo aysan jirin cid kusoo baxday maadaama uu ahaa ilaaliyaha xaruntaasi oo lagu magacaabo Smart Kenya Logistic ltd.
Falkani naxdinta badan ayaa welwel ku abuuray shaqaalaha shirkadaasi iyo guud ahaan dadka ku dhow dhow, iyadoo dhowr jeer hore ay eeyahaani u cuneen shaqaale ka tirsan shirkadda oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Halkaan Hoose ka Daawo
Maamulka shirkadda ayaa ka waramay sida ay ugu xun yihiin geerida Maxamed, isla markaana ay eeyaha oo qeyb ka ahaa amaanka shirkadda ay hadda kadib ku wareejin doonaan hay’adda xayawaanaadka qaabilsan si aysan dad kale u dilin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at