daajis.com:- Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro ay kasoo qaaden dagaalkii dhawaan ka dhacay inta u dhexeysa Leego iyo Buur-hakaba kaasi oo khasaaro adag lagu gaarsiiyay Ciidamada Ethiopia oo qeybta ka ah kuwa AMISOM.
Bayaan kasoo baxay Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Dagaalkaasi uu ahaa mid qaaditaankiisa ay ka shaqeynayeen dhowr maalin balse ay u suuragashay inuu dhaco maalintii Talaadada oo taariikhdu ay ku beegneyd 24-Shacbaan.
Waxaa bayaanka lagu sheegay in duulaankaasi lagu dilay inkabadan 60 Askari oo Ethiopian ah, halka kooxdu ay sidoo kale ka sheegtay inay gubeen islamarkaana ay qabsadeen 13 Gaari.
Bayaanka waxaa wehliya Sawirada meydadka Askar Ethiopian ah, Gawaari ay gubeen iyo hubkii ay gacanta ku dhigeen.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at