Daawo Siwirada : Haweeney Xarun Radio Ka Sheegtay Ninkii Guursada in Ay Siin Doonto Guri iyo Gaari, iyo Rag Badan oo Soo Buux Dhaafiyay Xarunta Raadiyaha

Daawo Siwirada : Haweeney Xarun Radio Ka Sheegtay Ninkii Guursada in Ay Siin Doonto Guri iyo Gaari, iyo Rag Badan oo Soo Buux Dhaafiyay Xarunta Raadiyaha

daajis.com:- Boqolaal mucaashiqiin ah ayaa hareeyay xarun raadiye oo ku yaal waqooyiga Nigeria kaddib markii gabar deegaanka ah ay sheegtay inay guri iyo gaari siineyso ninkii guursada.

Zainab Abdulmalik oo 23 jir ah ayaa sheegtay in qibrad xun ay kala kulantay jaceylkeedi hore, taasina ay ku kaliftay inay nin ku hesho habkan aan caadiga aheyn.

Gabadhani oo ganacsiga horumar ka gaartay ayaa sheegtay inay ku bixisay labo kun iyo shan boqol oo doolar saaxiibkeedi hore, kaddibna uu ka tagay.

Talaadadii ayey tagtay raadiye lagu magacaabo Freedom Radio oo ku yaal Kano, waxayna dalbatay ninkii la wadaagi lahaa mustaqbalka iyadoo ka sheegtay in ninka ay dooneyso ay da'diisu noqoto inta u dhexeysa 17 ilaa 25, uuna yimaado maalinta xigta. Waxayna ballan qaaday ninkii ay doorato inuu guri iyo gaari heli doono.

Maanta ayey boqolaal dhalinyaro oo aad u labisan isugu yimaadaan xarunta raadiyaha.


Wariyaha raadiyaha ee wareysanayay, Nasiru Zango, ayaa kutilmaamay jawiga mid qasan markii ay mucaashiqiintu yimaadeen.

Zainab waqti badan iskama qasaarin, waxayna safka dheer ka dooratay nin. Lamana oga faahfaahinta ninka nasiibka leh.

Kaddib markii ay heshay ninkii ay dooneysay Zainab ayey goobta ka tagay iyadoo teleefonkeedu uu dansan yahay ilaa markaas.
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada