Dowlada Sacuudiga oo faragalin xoogan ku heysa Siyaasada Dalka Somalia (Sir lahelay)

Dowlada Sacuudiga oo faragalin xoogan ku heysa Siyaasada Dalka Somalia (Sir lahelay)

daajis.com:- Dowlada Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa in Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay ku qaalqaalineyso qeybo kamid ah Gobolada dalka Somalia.

Warbixin lagu soo daabacay Websaite Caanka ah ee Wikilikes ayaa waxaa lagu sheegaay in Dowlada Sacuudiga ay faraha kula jirto arrimaha gaarka ah ee Somalia, waxa uuna Wikilikes soo bandhigay Dukumiintiyo sir ah oo muujinaaya Siyaasadda Dowladda Sucuudiga iyo Dowladaha Islaamka ah.

Dukumiintiyada Sirta ah ayaa waxaa ka mid ah faragalinta Sucuudiga ee wadamada Carabta iyo ku lug lahaanshaha Colaadaha ka jira Wadamada qaar waxaana kamid ah wadamadaasi Somalia, Yemen, Egypt. Iraq, Lebanon, Sudan.

Sidoo kale, waxa ay warbixintu xustay in Dowlada Sucuudiga ay dhamaan ku lug lahayd dhibaatada ka jirta Waddamadaasi kor lagu soo xusay.

Wikilikes, ayaa baahiyay in Dowlada Sacuudiga dhaqaale adag ku bixineyso kala qeybqeybinta dalka Somaalia, waxaana qoraalkaasi lagu cadeeyay in Sucuudiga uu gadaal kariixayo Qorshe Dalalka Itoobiya iyo Kenya lagu siinayo Gobolo ka mid ah Dalka.

Warbixinta si rasmi ah uma shaacin Gobollada ay kala qaadanayaan Itoobiya iyo Kenya oo lagu sheegay tirade Gobolada in ay yihiin 4 Gobol oo min Labo ay u kala qaadanayaan, sida lagu xusay Wikilikes.

Waxa uu qoraalka intaasi ku darayaa in Ciidamo Dhallinayaro ah oo lagu Tababaray Gudaha Itoobiya iyo Kenya ay Labada Dalba ugu tala galeen in lagu sheego kuwo Soomaaliya ka Caawinaya la dagaallanka Argagixisa laakiin arrinka uu yahay mid xaqiiqda ka fog, waxaana Ciidamadaasi lagu doonayaa in lagu qabsado Gobolada ay labadaasi dal xalaaleysanayaan.

Ugu dambeyntii, Siyaasadda Sucuudiga ee Afrika waxaa kale oo lagu sheegay in Sirdoonka Masar iyo Sudan ay iska kaashanayaan jilba u dhigista Dowlada Koonfurta Sudan.

Xigasho Wikilikes

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada