daajis.com:- Inta badan Ergada ka qayb qaadanaysa Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa waxay qaylo dhaan ka muujiyen fara-gelin ay sheegeen inay ku hayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya. Waxay kaloo dhaliil u jeediyen Guddiga Farsamada.
200 oo ka mid ah Ergada oo tiradoou guud ay tahay 350 xubnood, ayaa waxay kulan ku yeesheen Magaalada Cadaado, waxayna ka soo saareen War Saxaafadeed, ay ku sheegeen in shirka uu u afduuban yahay Dowladda Somaliya.
War Saxaafadeedka, ayaa waxay ku sheegeen in loo diidan yahay in wado sax ah lagu haggo bulshada Gobolada Dhexe, iyadoo markaasi loo dhisaayo Maamul Goboleed, nidaam rasmi ah ku yimid.
War Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay Magaalada Cadaado keentay xubno lagu sheegay inay ergo yihiin, laguna wado inay dhinacoodu ka go’aamiyan Dhismaha Maamulka.
Ergadu waxay ku baaqday in la helo cid ka madax bannaan iyaga iyo Dowladda, si shirka Cadaado ay dhex dhexaad uga noqoto, dadkana loogu soo dhiso Maamul ay ku qanacsan yihiin.
War Saxaafadeedka, ayaa lagu cadeeyay inay suurta gal tahay dagaalo ka dhaca Magaalada Cadaao, iyadoo hub uruuris uu ka soconaayo. Ergadu waxa Dowladdu kaga digtay dagaao ay ka huriso Cadaado.
Majirto wax jawaab ah oo ay ka bixisay Dowladda Federalka Somaliya eedeymahan, balse waxay ku soo aadayaan, iyadoo beelaha qaar ay isaga baxeen shirka, markii Dowladdu ay ku eedeyen hagardaamo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:46 and have
, Published at