daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Cumar Hadliye, ayaa xalay gaaray Magaalada Johannseburg ee Wadanka South Africa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa lagu wadaa in dalkaasi uu kaga qaybgalo shir ay lee yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Qaaradda Afrika, kaasoo horudhac u ah Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika, oo sanadkan ay martigelinayso South Africa.
Wasiirka, ayaa tilmaamay in Madaxda Somalidu la kulmi doonto Jaaliyadda Somaliyeed ee dalkaasi, wuxuuna bidhaamiyay inaysan mooganayn dhibaatada lagu haayo Somalida ku nool South Africa.
“Waxaan salaan diiran u diraya Jaaliyadda joogta South Africa, mana moogin dhibaatada ay ku wada sugan yihiin, waxaan rabnaa inaan dadka Soomaalida la kulano ka tacsiyayno dadkii dhintay.” Ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale wuxuu yiri “Dowladda South Afrika kala hadalno dhibaatada Soomaalida loo gaystay, waxaa muhiim ah in la ogaado dadka Soomaalida inaynay halkaan u soo shaqo tagin, laakin ay yihiin dad dhaqaalaha wax ku kordhinaaya, oo lacagtooda galinaya wadanka South Afrika.”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at