daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay shirkii Khamiislaha ahaa, ee Golaha Wasiirada Somaliya, xilli uu xirnaa Tuutaha Ciidanka Xooga Dalka.
Shirka, ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka iyo sidii amniga goobaha ay Dowladdu ka arrimiso loo xoojin lahaa, xilli bisha barakaysan ee Ramadaan ay maalmo uun inaga xiggaan.
Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhiga, ayaa waxaa shirka looga dhageystay warbixino ku saabsan hawlgalo laga sameeyay Magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo dalka ka tirsan.xasan-tuute
Madaxweynaha oo shirka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey hawlaha Dowladda ee Dhismaha Maamullada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo diyaarinta barnaamijka Hiigsiga 2016.
“Dhismaha Maamullada meel fiican bay marayaan. Horumar muuqda ayaa ka jira shirka socda Cadaado ee Maamulka loogu samaynaayo Gobolada Dhexe. Waxaa xiggi doona Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo gogol-xaarka iyo wadatashiyo lagu jiro.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha, ayaa soo hadalqaaday gadoodka Maamulka Jubbaland, wuxuuna iftiimiyay inay soconayaan dadaalo in lagu dhameeyo buuqa ka dhashay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.f3284324
“Dabcan arrimaha Maamulka Jubba iyo tabashooyinka ka dhashay Dhismaha Baarlamanka iyaguna waa lagu guda jiraa, waxaana fillayaa in Guddiga Golaha Wasiirada ee loo saaray arrintaasi ay dhawaan xal ka gaari doonaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iiusl Wasaaraha ee Bay’ada Mudane Burci Maxamed Xamza, ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyinka sii siyaadaya ee bacuhu ku hayaan deegaanka, iyo sida bulshada iyo dowladu isaga kaashan lahaayeen nidaam lagu xakamayn karo.
“Sidaad ka waraqabtaanaba Bacuhu kuma jiraan waxyaabaha shiidma ama ay xoolaha calalin karaan sidaas darteed marka ay cunaan waxay sababaysaa in ay caloosha iyo xiidmaha kaga dhagaan kadibna neefkii sidaas noloshii kuwaayo. sidoo kale marka bacaha ay biyaha badda dulsabeeyaan waxay hawada ka xirayaan noole badan oo badda kujira sida kalluunka. Dhul badan oo ku haboon beerasho iyo deegaan ayaa looga tagay baco iyo qashin, waayo marka wax lagu beeray ayaa waxba kasoo bixiwaayeen. Sababtoo ah bacaha waxay xanibayaan macdanta,biyaha iyo hawada ay dhirtu ubaahantahay.” Ayuu Wasiiru dowlaha Bay’ada Xil. Burci.
Dhanka kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Saciid Xuseen Ciid, ayaa golaha uga warbixiyey safar shaqo oo ay ku tageen dalka Masar, isagoona faahfaahin ka siiyey golaha heshiis is afgarad ah oo ay wada galeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Kaluumaysiga, iyo Beeraha iyo Wasiirka Kheyraadka dalka Masar oo ay hoos yimaadaan sadexdaas wasaaradood.
“Waxaa ugu muhiimsanaa qodobada aan la soo saxiixanay Wasiirka Beeraha ee Masar Dr.Salaax Hilaal in suuqyada dalka Masar loo furo dhoofinta dhammaan Xoolaha, Kalluunka iyo Wax soosaarka Beeraha Soomaaliya, fududaynta sharciyada u sahlaya dowlada iyo ganacsatada gaarka ah dhoofinta iyo isu gudbinta ganacsiga, in gudaha Soomaaliya laga sameeyo Beer-wadaag ah oo Somalia iyo Masar isla fuliyaan iyadoo dhinac walba leeyahay waajibaadkisa, iyo In laga caawiyo Soomaliya sidii dib loogu howl galin lahaa xarumihii iyo macaahidii farsamo ee Xoolaha, Beeraha iyo Kaluunka si loo helo jiil aqoon leh oo gudan kara waajibkooda.” Ayuu yiri Wasiir Ciid
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at