Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta la magacaabay

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta la magacaabay

daajis.com:- Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug oo maanta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dhici doonta 4-ta bisha July.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Cali Casir Gacal ayaa waxaa ka soo qeyb galay illaa 77 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay tirada ansixisay Guddiga doorashada, waxaana cod gacan taag ah kadib 73 Xildhibaan ayaa u codeysay, hal xildhibaan waa diiday 3 waa ka aamustay, sidaas ayaa lagu ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ee la magacaabay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 9 xubnood oo leh Guddoomiye iyo Xogheyn sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Galmudug.

Hadaba qoraalka ka soo baxay Baarlamaanka Galmudug ee lagu ansixiyay Guddiga doorashada ayaa sida ahaa:-



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada