Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Ethiopia Oo Isku Dhiibay Al Shabaab

Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Ethiopia Oo Isku Dhiibay Al Shabaab

daajis.com:- Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay John ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Ethopia ee howlgallka AMISOM, kuwooda ka dagaalama degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.

Warkaan oo hadda soo ifbaxay ayaa sheegaya in Sarkaalkaan uu ka goostay xalay saldhiga degmada isaga oo isla wakhtigaasi ku hoyday deegaan qiyaastii 10 KM u jira Qansaxdheere oo ay maamulaan Al Shabaab.

Mas’uulkaan ayaa hadda la aamisan yahay in uu ku sugan yahay deegaanka Ufuroow oo ay gacanta ku heyso Al Shabaab, halkaasi oo uu gaaray aroortii hore ee saaka.

Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Aadan Cabdi Qooqane oo aan la xiriirnay ayaa inoo suuragali weyday in aan ku helno qadka taleefanka, hase ahaatee waxa uu goor sii horeysay wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in aysan ogeyn waxa sarkaalkaan ku qasbay in uu ka goosto Ciidanka.

Al Shabaab ayaa dhankooda xaqiijiyay jiritaanka warkaan, afhayeen u hadlay ayaa sheegay in Sarkaalkaan oo ahaa madaxii Saaka ciidamada Itoobiya ee Qansaxdheere uu isku dhiibay dhankooda isaga oo uu dhameystiran yahay qalabkiisa millateri.

AMISOM kama aysan hadlin ilaa hadda baxsashada John, hase ahaatee waa markii u horeysay oo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howllgalka AMISOM uu isku dhiibo Shabaab.

Qansax dheeere waxaa ku hareereysan xoogaga alshabaab halkaasoo maciishada cuntada kor u kacsay madaama aaney wax gaadiid ah geli karin kana soo bixi karin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada