Imaaraadka Carabta oo Gaadiid ciidan ugu deeqday Ciidamada Booliska Soomaaliya (Sawirro)

Imaaraadka Carabta oo Gaadiid ciidan ugu deeqday Ciidamada Booliska Soomaaliya (Sawirro)

daajis.com:- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa  maanta ugu deeqdayDowladda Federaalka Soomaaliya gaadiidka gaashaaman ee ciidamada, mootooyin iyo qalab kale, iyadoo qalabkan uu la wareegay Wasiirka Amniga gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay gaadiidkaasi, iyadoo halkaasi goob joog ay ka ahaayeen saraakiisha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay qalabkani lagu xoojinayo islamarkaana lagu horumarinayo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka ayaa u mahadceliyay dowladaasi, isagoo sheegay in agabkani ay ku horumarinayaan howlaha ay ugu qidmeynayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Xumaadi oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in gaadiidkani ciidan ay ugu talo galeen in lagu horumariyo howlaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka ee la xiriirta xaqiijinta ammaanka.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin kaalmada Dowladda imaaraadka carabta ay siineyso Soomaaliya islamarkaana Walaalaha imaaraadka carabta ay ugu mahadcelinayaan caawimaada ay caawisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada