daajis.com:- Maamulka Somaliland ayaa maalmo ka hor garoonka Hargeysa ka masaafurisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tegay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dib loogu celiyay diyaarad u socotay Muqdisho.
Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf “Cambaro” ayaa xaqiijiyay inay dib ugu celiyeen Muqdisho Shan dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo aan haysan wax documenti ah oo caddeynaya jinsiyadooda, sidaasi darteedna ay fasaxeen 40 qof oo haystay documentiyada lagu safro.
Jubbo DADMar uu ka jawaabayay hadal shalay uu saxaafadda siiyay Taliyaha Laana socdaalka Soomaaliya Jen. Cabdullaahi Gaafow ayuu sheegay in Somaliland iyo Somalia ay kala yihiin labo dal oo isku safra si sharci ah sida dalalka kale.
“Waxaanu u sheegaynaa laanta socdaalka Somaaliya in aanu kala nahay laba dal oo kala madaxbanaan oo isku safra si sharci ah. dadweynaha ka yimaada Itoobiya ama dalalka kale wixii aan vissa sharci ah sidan ama ogolaasho waanu celinaa, waxaanu noola mid yahay dalka Somaaliya dalalka aanu jaarka nahay.” ayuu yiri Taliayaha Laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf.
Taliayaha Waaxda socdaalka Soomaaliya Jen. Cabdullaahi Gaafoow ayaa shalay sheegay in aan loo dul qaadan doonin in qof Soomaali ah uu soo masaafuriyo Soomaali kale.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at