daajis.com:- Dowladda Kenya, ayaa waxay fasaxday duulimaadyadii rakaabka ee kaga imaanaayay Magaalada Muqdisho, ka dib muddo afar maalmood oo ay hakad gelisay.
Duulimaadyada rakaabka, ayaa waxaa lagu xiray inay kordhistaan mudada ay haystaan Licence-ka, ay kaga hawlgeli karaan Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.
African Airways oo ka mid ahayd diyaaradaha awaamiirta lagu soo rogay, ayaa durbaba laba goor duulimaadyo ku tagtey Magaalada Nairobi, tan iyo markii sharuudaha ay buuxisay.
Daallo iyo Jubba Airways, ayaa waxaa iyagana la fillayaa inay dib u bilaabaan duulimaadyadii ay isugu kala gooshi jireen Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.
Suxufiyiinta Muqdisho, ayaa soo sheegaaya in tani ay meesha ka saarayso boqolaal shacab ah, oo maalmahaanba ku kala xanibnaa Nairobi iyo Muqdisho, markii is hortaag lagu sameeyay diyaaradihii ay ku safri lahaayen
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:45 and have
, Published at