daajis.com:- Madaxweynaha Dalka Nigeria Mahamadu Buxaari oo dalka South Afrika kula kulmay muwaadiniinta kasoo jeeda dalkiisa, ayaa waxa uu kaga digay inay haleeyaan maslaxada dalkooda hadii kale ay noqonayaan sida Somalia oo kale.
Mahamadu Buxaari oo muwaadiniinta kasoo jeeda Nigeria ee ku nool dalka South Africa u sifeynaayay sababta uu tusaalada ugu soo qaatay dalka Somalia ayaa waxa uu sheegay in dalka Somalia uu saaxiib u noqday burbur iyo saldhigyo argagixiso taasina ay mudan tahay inay ka feejignaadaan oo ay dalkooda u raadiyaan wanaaga iyo xasiloonida.
Buxaari ayaa sidoo kale, Somalia ku sifeeyay meel ay hogaan u noqdeen dad daniistayaal ah, oo ka fekeraaya oo kaliya naftooda, sida uu hadalka u dhigay.
Mr Buxaari waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay dadka reer Nigeria ay ka fekeraan in ay iska badbaadiyaan dad uu ku tilmaamay in ay yihiin sida kuwa Soomaaliya hogaamiya oo kale ah, oo uu sheegay in ay danahooda shaqsi ahaaneed un ka fekerayaan.
Waxa uu si ganbasho la’aan ah shacabkiisa ugu hor cadeeyay in sababta Muwaadiniinta Nigeria loogu beegsanaayo gudaha dalka South Africa ay tahay qaadashada dhaqanka Soomaalida sida qaraxyada, burburinta dalkooda iyo in mid waliba uu ka shaqeeyo maslaxadiisa gaarka ah, taasina looga bixi karo in laga fogaado wax waliba oo keeni kara amni darida.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa maalmo ka hor muddo Seddex maalin ah ku sugnaa dalka Nigeria isaga oo halkaasi kaga qeybgalaayay caleema saarka Madaxweynaha dalkaasi Mahamadu Buxaari, waxa uuna Buxaari abaal uga dhigay Xassan Sheekh iyo shacabkiisa aflagaado ah in shacabka iyo mas’uuliyiinta Somalia ay u dub-dhaxaad u yihiin musuq-maasuq iyo fiirsashada danahooda gaarka ah.
Dalka Nigeria ayaa waxa uu dhanka amaanka la tartamayaa Somalia waxaana inta badan ka dhaca weeraro ismiidaamin ah oo aan ka dhicin dalka Somalia kaasi oo ay ku nafwaayan dad aad u farabadan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:48 and have
, Published at