Daawo Ciidamo Talyaani ah oo Muqdisho ka fuliyay howlgal qarsoodi ah

Daawo Ciidamo Talyaani ah oo Muqdisho ka fuliyay howlgal qarsoodi ah

daajis.com:- Tifaftiraha Shabakadda Warfaafiye.com Waxaa u suuragashay inuu muuqaal yar kasoo duubo ciidamo Talyaani ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo howlgal qorsoodi ah ka fuliyay magaalada Muqdisho, waxaana ciidamadan ay yihiin kuwo ku hubeysan gawaarida gaashaaman iyo hub casri ah.

Muuqaalkaan oo soconaya in yar ayaa markii ay ka war heleen in kaamiro ay daba socoto, waxay joojiyeen gaadiidkii, iyagoo ku  amray Tifaftiraha in uu damiyo kaamirada, gaarigii uu saarnaana uu dib ugu laabto meeshii uu ka mid.muqdisho-ramadaan444

“Xiligii aan la kulmayay ciidamadan ayaa waxay kasoo socdeen wadada danbe ee xarunta Scuola Polizia, waxaana markii danbe gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda ay nagu amreen in aan dib ugu laabano wadadii aan ka imaanay, amarkaasi oo aan u hoggaansamnay aniga iyo saaxiibadii ila socday” ayuu yiri tifaftiraha Warfaafiye.


Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda dalalka Mareykanka, Talyaaniga, Jarmalka iyo kuwa AMISOM oo xaruntooda weyn ay tahay halkaasi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada