Daawo Sawirada:- Meydadka Kooxihii saakay weerarka ka geystay Muqdisho

Daawo Sawirada:- Meydadka Kooxihii saakay weerarka ka geystay Muqdisho

daajis.com:- Dowladda Federaalka Somalia ayaa saxaafadda u soo bandhigtay meydadka saddex ruux oo saaka aroortii soo weerareen meel ku dhaw Iskuulkii hore ee Degmada Shibis oo ciidamada Nabad Suggida lagu tababaro.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa u sheegay Saxaafadda in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaan oo ay sii ogaayeen macluumaadka ku saabsan.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay joojiyeen baabuurkaan, balse uu ka dhaga adeegay fulinta awaamiirt ciidamada, waxaana uu sheegay inay soo eryadeen ciidamada baabuurkaan.


Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay ciidanka oo eryanaayo baabuurkaan inay ka dageen labo ka mid ah, raggii hubaysnaa, halka baabuurka uu qarxay, labada degtay ayaa waxa ay galeen sida uu yiri guri ku yaallo Meel ku dhaw Iskuulkii hore ee Degmada Shibis.

Labada nin ee guriga gashay ayaa waxaa toogtay ciidamada Nabad Suggida Somalia oo soo afjaray weerarkaasi.

Bartilmaameedka raggan ayaa wuxuu ahaa inay galaan Iskuulkii hore ee Degmada Shibis oo ciidamada Nabad Suggida Somalia lagu tababaro, hayeeshe goob aanan aheyn iskuulka ayeey galeen.

Baabuurka ay wateen raggaan ayaa wuxuu ahaa gaariga loo yaqaan NOHA, gabi ahaantiisana waa uu burburay markii uu qarxay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada