SAWIR: Booliska Shiinaha oo muslimiinta xoog ku afurinaya

SAWIR: Booliska Shiinaha oo muslimiinta xoog ku afurinaya

daajis.com:- Dowladda Shiinaha ayaa si qasab ah ku doonaysa inay ku hirgaliso go’aan diidaya dadka muslimka ah inay soomaan,kaddib markii la helay sawir muujiya booliska dalka oo qasab biyo ku siinaya muslimiinta dalka ku nool.

Baraha bulshada ayaa lugu soo bandhigay sawir booliska dalka Shiinaha oo si qasab ah ku cabsiinaya biyo,qof u muuqday inuu ahaa nin kaaso booliska ay hayaan biyana si qasab ah ku cabsiinayaan.

In qof walba oo muslim ah uu soomo bisha Ramdaan ayaa waxaa ay ka mid yahay tiirarka islaamka oo faraya qofwalba oo muslim ah inay waajib ku tahay fulintooda.

Hay’adaha xaquuqda aadanaha u dooda ayaa horay u cambaareeyay go’aaka ah in la qasbo dadka muslimka ah ee ku nool dalka Shiinaha,kuwaaso lugu amray inaysan soomin bisha barakaysan ee Ramadaan.


Xukunka ka jira dalkaas Shiinaha ayaa ah mid cadaadiya dadka muslimka ee ku nool gobollada dalka oo la dul dhigo sanad walba amaro ka hor imaanaya diintooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada