daajis.com:- Dowladda Kenya ayaa xayiraadda ka qaaday 13 shirkadood oo ay ku jirto xawaalada Dahabshiil. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in xawaaladihii horey loo xayiray ee gaarayay 13-ka xawaaladood laga qaaday xayiradii.
Cabdikariim Sabriye oo u hadlay shirkaddaha xawaaladdaha ayaa la hadlay idaacadda BBC, isagoo sheegay in xayiraadii laga qaaday.
Mdaxweynaha Kenya ayaa ku amray bangiga dhexe ee dalka Kenya in uu dib u eego nidaamka xawilaadaha Kenya, isla markaana la sameeyay nidaam lagula soconayo shirkaddaha.
dahabshiilShirkaddaha xawaaladaha Soomaalida ayaa la xiray bishii labaad ee sanadkan, iyadoo ay arintaasina daba socotay weerarkii Gaarisa ee ardayda lagu xasuuqay, waxaana jiray shaki ah in Al-Shabaab adeegsado xawaaladaha Soomaalida.
Dowladda Kenya ayaa dagaal kula jirta dagaalamayaasha Al shabaab kuwaas oo weeraro ka geesta gudaha dalkeeda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:47 and have
, Published at