daajis.com:- labo nin oo dhalinyaro ah oo walaalo ah oo ka tirsanaan jiray ururka Shabaab, ayaa isku soo dhiibay cidamada booliska Puntlan. Labadab nin ee saxaafadda loo soo bandhigey oo isu soo dhiibay Puntland ayaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Xasan Axmad Fil-fil iyo Yaasiin Xasan Axmad Fil-fil, sida ka muuqata magacooda waa labo nin oo walaalo ah.
Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan dhalinyarada ka soo baxay ururka shabaab, waxa ayna dhanka Puntland ku soo galeen buu yiri cafis uu fidiyey madaxweynaha Puntland.
…Labadan nin waxa ay magaalada ku lahaayeen labo guri oo ay degnaayeen al_-Shabaab, guryahaasina waxa ay magaalada ama shacabka ku daadin jireen qashinka,kadib markii maamulku sidaas go’aamiyey, maanta wixii ka dambeeya guryahooda waa loo nadiifinayaa waana loo gelinayaa albaabada, si ay u degaan ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Bari.
Ururka al-Shabaab ayaa ciidamo dhuumaaleysi ku jiraa ka joogan buuraha Cal Madow, sidoo kale waxay xubno qarson ku leeyihiin magaalooyinka qaarkood.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at