Maraykanka oo qarxiyey wershed hubka samaysa dalka Ciraaq

Maraykanka oo qarxiyey wershed hubka samaysa dalka Ciraaq

daajis.com:- Diyaaradaha dalka Maraykanka ayaa duqeeyey maalintii shalay ee Arbacada wershed bomka samaysa oo ay lahaayeen ururka ISIS ama Daacish, ee saldhigyada ku leh dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Wershadan ayaa lagu sheegey midda u weyn ee ay lahaayeen Daacish ee samaysa Bomka. Qaraxa ka dhashey duqeyntan ayaa ahaa kii u weynaa ee halkaas laga maqlo muddoyinkan. Waxaa cirka isku shareeray olol aan horey loo arag, oo laga arkey meelo aad u fog.

Wershadda ayaa ku taaley banaanka magaalada Hawijah ee Waqooyiga Ciraaq.

Waxaa la sheegayaa in ay wershadda ku sugnaayeen Taanuigiyo, baabuurta gaashaaman iyo gawaari kale oo badan oo ah nooca xamuulka qaada, kuwaas oo lagu xirey bom la doonaayey ee weeraro ismiidaamin ah lagu fuliyo.

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegeysa in qaraxa laga maqley magaalada Kirkuk oo 55km u jirta halka qaraxu ka dhacay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada