daajis.com:- (Pi Garowe) Gobolka Sool ayaa ku guulaystay tartankii todobaadka hiddaha iyo dhaqanka Puntland, kaasoo todobaadkaan ka socday magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdweli Masxamed Cali Gaas iyo marwadiisa oo tartankaan gaba gabadiisa ka qeyb galay ayaa kooxda dhaqameedka ka socotay gobolka Sool guddoonsiiyay abaal marinta kaalinta koowaad ee tartanka dhaqanka Puntland.
Kooxda ku tartamaysay gobolka Sool ayaa heshay dhibco gaarayay 94 dhammaan tartamada oo idil. Waxaa kaalinta labaad galay oo kusoo xigay gobolka Cayn oo helay 87 dhibcood. halka gobolka Nugaal uu soo galay kaalinta saddexaad isagoo helay 75 dhibcood.
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa umahad celiyay wasaaradda warfaafinta oo tartankaan soo qaban qaabisay iyo sidoo kale kooxaha ka socday degmooyinka ee ka qeyb galay tartankaan.
Wuxuu sheegay madaxweynuhu inay dowladdu joogtayndoonto tartamada dhaqanka iyo hiddaha Puntland si kor loogu qaaado mudnaanta ay leeyihiin iyo in lagu dhagnaado dhaqanka mar walba.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at