Mareykanka oo duqeyn ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida

Mareykanka oo duqeyn ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida

daajis.com:- Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa sheegtay in duqeyn uu Mareykanka dalkaasi ka geystay, uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida, kaasoo lagu magacaabo Mukhtar Bilmukhtar.

Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in duqeyntaasi oo dhacday habeenkii Sabtida lagu bartilmaameedsaday Bilmukhtar, balse ay weli qiimeynayaan saameynta duqeyntaasi.

Geerida Bilmukhtar ayaa marar badan ooh ore la sheegay.

Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon, ayaa sheegtay in duqeynta ay dhacday habeenimadii Sabtida, laguna beegsaday waxa ay ugu yeertay sarkaal darajo dhexe ah oo Al-Qaacida ka tirsan.

Dowladda bariga Liibiya ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay Mukhtar Bilmukhtar, oo ah dagaalyahan u dhashay dalka Aljeeriya.

Mukhtar ayaa soo caan baxay laba sano ka hor, kaddib markii koox uu hoggaaminayay ay 800 oo shaqaale ah ku afduubtay warshadda gaaska Amenas ee ku taalla dalka Aljeeriya.

Afduubkaasi ayaa dhaliyay in ay dhintaan 38 qof.

Pentagon-ka ayaa sheegay in duqeynta ay guul ahayd, balse ay weli xaqiijinayaan cidda ku dhimatay.

Xigasho: BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada