Daawo Sawirada’’ Hilary Clinton oo khudbad u jeedisay Kumanaan shacab ah iyo weerar afka ah oo ay ku qaaday Xisbiga Jamhuuriga

Daawo Sawirada’’ Hilary Clinton oo khudbad u jeedisay Kumanaan shacab ah iyo weerar afka ah oo ay ku qaaday Xisbiga Jamhuuriga

daajis.com:- Xoghayihii hore ee arrimaha Dibadda dalka Mareykanka Hilary Clinton, ayaa bilowday ololaheedii ay uga qeybqaadan laheyd Doorashada dalka Mareykanka.

Hilary Clinton, ayaa goob fagaaro ah kula hadashay kumanaan shacab ah oo ay ka dalbaneysay inay garab ku siyaan sidii ay dib ugu soo laaban laheyd Siyaasada dalka Mareykanka.

Hilary Clinton ayaa fagaaraha Roosevelt Island ee magaalada New York oo ay isugu soo baxeen taageerayaasha xisbiga ay ka sharaxan tahay ee dimuqraadiga waxaa ay Hilary ku dheeraatay talaabooyinka ay dhaqaalaha ku hagaajin doonto dadkuna ay ku hodmi doonaan, haddi ay xilka madaxtinimada ku guulaysato.

Mr Hilary Clinton waxa ay fagaaraha ka sheegtay in la abuuri doono jawi ay dadku u sinnaadaan dhaqaalaha dalka lana joojin doono lacagaha sida qarsoodiga ah loogu maal galiyo siyaasadda.

Waxa ay sidoo kale, weerar afka ah ku qaaday xisbiga ay tartamaan ee Jamhuuriga oo ay ku tilmaantay inuu ka horjeedo shacabka Maraykanka Intiisa Badan.

Tan iyo markii Brack Obama ku guulaystay hogaaminta dalka Maraykanka, Hilary Clinton u magcaabay Xoghayaha arrimaha dibadda, haatanna Hilary waxay u sharaxan tahay madaxwaynenimada Maraykanka.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada