daajis.com:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo saakay gaaray magaalada Cadaado ayaa ka qeybgalay xafladda dhaarinta Xildhibaanada baarlamaanka maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Munaasabada dhaarinta xildhibaanada maamulka Galmudug oo si weyn loo soo agaasimay ayaa sidoo klae waxaa ka qeybgalay Wasiiro ka socday Dowladda Fedraalka oo lagu casuumay iyo siyaasiyiin fara badan.
Dhaarinta kadib Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka hadlay munaasabada, wuxuuna sheegay in arintani ay tahay tallaabo horay loo qaaday, isaga oo hambalyo u diray Xildhibaanada cusub.
jawaari-cadaado-5Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ay farxad weyn u tahay in maanta uu si rasmi ah u dhaqan galay istiraatiijiyad lagu dhisayo dowlad goboleedyada dalka oo horey loogu dejiyey gobollada Koonfur Galbeed oo aanay meel marin balse maanta laga hirgeliyey gobollada Dhexe.
Jawaari ayaa u sheegay Xildhibaanada in howl adag ay u taallo lagana rabo inay dadka Gobolada dhexe kasoo jeeda ugu shaqeeyaan si cadaalad ah, maadaama howsha loo igmaday ay tahay mid aad u culus.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhaarinta Xildhibaanada ay tahay guul taariiqi ah oo ay gaareen dadka kasoo jeeda Gobolada Dhexe, maadaama ay dhisteen Baarlamaan.
Wuxuu sheegay in howsha Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe meel gabo gabo ah ay mareyso Xildhibaanada ay guda geli doonaan dhawaan doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi uu yeelanaayo.
Xildhibaanada maanta la dhaariyay ayaa gaaraya 60 Xildhibaan inkastoo ay weli dhiman yihiin Xildhibaano aanay soo gudbin beelahooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:59 and have
, Published at