Rag dalxiisayaal ah oo isqaawiyay oo lagu eedeeyay dhul-gariir ka dhacay dalka Maleysiya

Rag dalxiisayaal ah oo isqaawiyay oo lagu eedeeyay dhul-gariir ka dhacay dalka Maleysiya

daajis.com:- R/wasaare ku xigeenka gobolka Sabah ee dalkaasi Maleysiya oo uu ka dhacay dhulgariir sababay dhimashada 16-ruux ayaa ku eedeeyay dhulgariirkaasi in ay sababeen dad cadaan oo dalxiisayaal ah kuwaas oo isku qaawiyay buurta Kinabalu dusheeda.


Raggan oo iminka xabsi ku jira ayaa loo diiday in ay dalka ka baxaan, waxaana la sheegay in maxkamad lasoo taagayo.

"Waxaan aaminsanahay in dhulgariirkii Jimcihi dhacay uu ka dambeeyay caro Alle kadib markii ay buurta Kinabula dusheeda ay isku qaawiyeen dalxiisayaal, rumeysta ama iska daaya", sidaasi waxaa yiri r/wasaare xigeenka gobolka Sabah Tan Sri Joseph Pairin Kitingan.

Waxa uu sheegay Mr. Tan in iyaga ahaan ay aaminsan yihiin aarinkaasi, sidaas daraadeedna uu dhulgariirku ahaa cadeyn caro Ilaahay.

Waxa uu intaasi raaciyay Mr. Tan in buurtaasi ay tahay mid "barakeysan", islamarkaana dadka deegaanka ay xurmeeyaan.

Jaraa`idka ugu weyn ee dalka Maleysia THE STAR ayaa qoray in bulshada inteeda badan ay masuuliyadda dhulgariirka dusha uga tuurayaan dalxiisayaasha ajaanibta ah ee isku dul qaawiyay buurta.

Dhalashada nimanka isqaawiyay ee dhulgariirka "sababay" ayaa kala ah 2-Canadiyan, 2-Nederlandes iyo 1-Jarmal ah, waxaana loo badinayaa in falkan dartiis loo xukumo.

Maleysia ayaa ah dal muslin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada