daajis.com:- Waxaa Magaalada Qardho ee Gobolka Bari si weyn loogu soo dhaweeyay Qaxooti Yamaniyiin ah oo kasoo qaxay Colaada iyo Dagaalada ka aloosan Dalkooda, waxaana Qaxootigan ay markoodii hore Boosasao kusoo gaareen Doomo ay kasoo raaceen Dekaddaha Dalka Yaman.
Maamulka Magaalada Qardho, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaladaasi ayaa si weyn usoo dhaweeyay Qaxootiga Yaminiyiinta ah ee lasoo dajiyay Magaalada Qardho, waxaana dadkan la dajiyay goobo gaar ah oo loogu tala galay.
Qaxootiga Yamaniyiinta ah ee gaaray Magaalada Qardho oo gaaraya 200-qof ayaa la dajiyay Dhismo weyn oo loogu tala galay in ay kunoolaadaan dadkaasi, waxaaa dhismahaasi u dhameestiran waxyaabaha laga maarmaanka ah sida Korontada Biyaha.
Magaalada Boosaaso oo ah Magaalo aad u kulul ayaa la sheegay in ay xamili waayeen dadkan Qaxootiga ah ee kasoo qaxay Dalka Yaman. waxaana Maamulka Puntiland qorsheeyeen in dadkan la geeyo Magaalada Qardho .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:59 and have
, Published at