Sawiro: Ciidamada Kenya oo dilay British ka garab dagaalamayay Al-shabaab

Sawiro: Ciidamada Kenya oo dilay British ka garab dagaalamayay Al-shabaab

daajis.com:- War bixin ay daabacday Idaacada BBC-da ayaa lagu xaqiijiyay in nin u dhashay dalka Ingiriiska oo ka garab dagaalamayay ururka Al-shabaab lagu dilay deegaanka LAMU ee Kenya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Thomas Evans, iyo 11 kaloo Al-shabaab katirsan ayaa lagu dilay dagaal shalay LAMU ku dhexmaray dagaalyahano Al-shabaab katirsan ciidamada difaaca Kenya.

Thomas Evans, ayaa Diinta Islaamka kusoo biiray asigoo jira 19 sano, waxaana uu mudo kahor usoo safray Soomaaliya isagoona ku biiray kooxda Al-shabaab.

Thomas Evans iyo ruux kaloo cadaan ah ayaa la xaqiijiyay ineey kamid ahaayeen 11-ka ruuux ee ay dileen ciidamada Kenya.

Ehelada Thomas Evans, ayaa sheegay ineey wali sugayaan xaqiijinta geerida wiilkooda.

Weerarkan oo dhacay shalay ayaa ka dhacay deegaanka LAMU gaar ahaan xuduudka Somalia iyo Kenya.

Booliska UK iyo kuwa Kenya, ayaa hada wada baaritaano lagu xaqiijinayo in Evans uu ku dhintay weerarkaas.

Thomas Evans ayaa sanadkii 2011 u safray dalka Masar, kadib markii laanta socdaalka UK ay u diiday safar uu doonayay inuu ku tago dalka Kenya.

Sanadkii 2012 ayay hooyadiis xaqiijisay in wiilkeeda uu u safray Soomaaliya kuna biiray kooxda Al-shabaab.

Waxaa la aaminsanyahay in 5o dhalinyaro u dhalatay Ingiriiska ay ku biireen ururka Al-shabaab, kuwaasoo qaarkood ku dhintay dagaalo fool ka fool ah halka qaar kalena ay ismiidaamin fuliyeen.

Halkan ka daawo Sawirada meydadka Al-shabaab looga dilay LAMU:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada