SAWIRRO Axmed Madoobe oo la kulmay Safiiro heer caalami ah ”Maxaa laga hadlay?”

SAWIRRO Axmed Madoobe oo la kulmay Safiiro heer caalami ah ”Maxaa laga hadlay?”

daajis.com:- Hogaamiyaha Maamulka Jubbland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa, ayaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kulamo kala duwan kula qaatay Safiirada dowladaha caalamka u fadhiya Nairobi.

Kulanka Axmed Madoobe iyo Safiirada ayaa ahaa mid ku saabsanaa Taageerida dhismaha Labada gole ee maamulka Jubba, Siyaasada, Amaanka iyo Horumarinta dhinacyada wax soo saarka, dhoofinta iyo Arrimo kale.

Hogaamiye Axmed Madoobe oo kulamadaasi ka faa’iideysanaayay ayaa waxa uu Safiiradaasi ka codsaday inay soo booqdaan Deegaanada Maamulka si ay u indha indheeyaan xaalada dhabta ah ee ka jira Deegaanada Maamulka.

Safiirada qaar ayaa aad usoo dhaweeyay codsiyo dhowr ah oo uu Hogaamiyaha ka horjeediyay, waxa uuna ahmiyada codsiyadiisa ku sheegay mid maslaxad u ah shacabka ku hoos nool Maamulka.

Rajo wanaagsan ayaa laga muujiyay kulanka Axmed Madoobe iyo Safiiradaasi, waxaana sidoo kale la filayaa in natiijooyin mirro dhal leh uu kulanka yeelan doono.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada