daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, ayaa sheegaya in Hoolka shirarka ee Hoteel Khiilmawaaye, ay kulan xasaasi ahaa kuwada qaaten Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Waxgaradka Kismaayo ay kaga soo horjeesteen Hanaanka Hogaamiyaha Maamulka Jubba uu ku maamulaayo deegaanada hoostaga Maamulkiisa.
Kulanka ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay Odayaal iyo Siyaasiyiin aad uga careysnaa Siyaasada uu dheelaayo Axmed Madoobe, waxa ayna hoolka ka shegeen in ay saluugsan yihiin hanaanka uu ku shaqeeyo maamulka Jubbaland waxaana ay ka hadleen in laga seexday deegano badan oo shacabka ay hadda Shabaab ku dhibaateynayaan in la xoreeyo oo uu Maamulka Kismaayo un isku soo koobay.
Sidoo kale waxa ay saluugeen qeybsiga Xildhibanada, iyagoona sheegay inay far u taagan tahay waxaana ay sheegeen in uu xaq ka maqan yahay.
Tiro ahaan Xildhibaanada waxaa beesha Sheekhaal heshay 7 Xildhibaan oo ka tirsan gollaha Baarlamanka lagu muran san yaha ee Jubbaland.
Waa markii koobaad oo beel kamid ah beelaha dega Jubbaland ay si bareer ah ugu qabato shir Kismaayo kuna dhaleeceyso maamulka Axmed Madoobe ee ka jira Jubbaland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at