daajis.com:- Maalin ama ka yar ayaa innaga xiga Bishii Soonka ee Ramadan Barako, Sucuudiga waxaa laga sheegay Khamiis inuu kow yahay maadaama aan bishii maanta la arag, Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu Nabad innagu gaarsiiyo, innagana dhigo dhamaanteen kuwa sooma oo salaada u istaaga, oo sadaqaysta, oo barakada iyo habeenka laylatul qadriga la kulma.
Ilaahow na gaarsii, Ilaahow noo yasir, Ilaahow Noo Barakay, oo Na Barakay, oo Nagu Barakay, oo Na wada barakay…
Asxaabey Meel Kastoo aad joogtaan waa Hambalyo, Bisha Martida Culus ee innagu soo beegan aan si wanaagsan u soo dhowaynno, una Maamuusno. Shan aan Ogaanno, Shanna Iska Ilaalino:
1) Soon Niyad ah oo Toosan
2) Salaadda Taraawiix, Tahajjud, Salaadaha Nawaafisha oo aan badinno intaan awoodno.
3) Qur’aanka oo aad loo akhriyo lana dhameeyo mar ama labo ama saddex ama afar ama shan ama lix ama todoba ama intii la awoodo.
4) Is bedel in looga Faa’iidaysto, caada kasta oo xun ama wax aad qoonsaneyso in bishan lagu bedelo, waa Jaanis wanaagsan.
5) Tawbadda oo qof cusub in la noqdo lagu dadaalo, oo hadha dhashay, waayo qofkii Ramadaan Janno kasban waaya, waa qof khasaaray, iyadoo Albaabadeeda Habeenka u Horreeya La Furo.
1) Hadal aan wanaagsanayn been, xan, isku dir, cay iyo Cantra baqash..
2) Waqtiga oo maalinkii hurdo, habeenkii TV iyo Filim iyo Makhaayad fariisad lagu lumiyo.
3) Wahsiga Salaadda, waa nagu dheeraatay, ma awoodno, caajisnimo, (Hurdo iyo Fadhi immisaan soo wadney) Saxaabadii habeen walba 5 jus ilaa 7 jus ayey ku tukan jireen.
4) Siduu kuugu soo galay Ramadaan adoo aan waxba iska kaa bedelin iska jir, taasina waa ayaan darro.
5) Isla qumanaan aad isla fiicantahay adoon meelna gaarin iska ilaali, Masjidka inaad ka fogaatana ka digtoonow.
Ilaahay Tawfiiqda hana waafajiyo..Aamiin
By: Sh Maxamed idirisFADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at